Gunaanad (Ummulraac) - Cabdulqaadir C Diini - 書籍 - Looh Press Ltd - 9781912411306 - 2021年8月2日
カバー画像とタイトルが一致しない場合、正しいのはタイトルです

Gunaanad (Ummulraac)

価格
¥ 3.498
税抜

遠隔倉庫からの取り寄せ

発送予定日 年9月28日 - 年10月14日
Cabdulqaadir C Diini の新しいリリースのお知らせを受け取る
iMusicのウィッシュリストに追加

まだ評価がありません

"Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!"

- Axmed F. Cali "Idaajaa"




Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso.

Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.

メディア 書籍     Paperback Book   (ソフトカバーで背表紙を接着した本)
リリース済み 2021年8月2日
ISBN13 9781912411306
出版社 Looh Press Ltd
ページ数 258
寸法 140 × 216 × 15 mm   ·   331 g
言語 Somali  

同じ出版社からのその他の記事